990 Views

War deg deg ah: Xaalada magaalada Boosaaso oo caawa kacsan iyo cabsi dagaal oo caawa jirta

War deg deg ah: Xaalada magaalada Boosaaso oo caawa kacsan iyo cabsi dagaal oo caawa jirta
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa sheegaya in laga dareemayo Cabsi dagaal, kadib markii maanta uu ka hor yimid Madaxweyne Deni amarkii ka soo baxaya Isimadda Puntaland.

Ciidamada Puntland ayaa galabta gabaldhicii dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay afaafka hore ee Xerada PSF oo ay ku jiraan ilmo Diyaano, waxaana caawa halkaas ka jira cabsi dagaal.

Waxgaradka Puntland ayaa soo jeediyay in PSF gaar ahaan Ciidamada Hubka iyo Guryaha ay sii maamulaan Ilmo Diyaano, balse Xilka lagu wareejiyo Taliyaha Cusub uu soo magacaabay madaxweyne Deni.

Sidoo kale Deni ayaa gaashaanka u daruuray warkaas ay soo saareen waxgaradka Puntland, asaga oo sheegay in shaqsi uusan lahayn Hubka PSF balse ay leeyihiin Umada Puntland.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha xaalada BOOSAASO

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post