1968 Views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Qubrus

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Qubrus
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay dhigiisa Turkish Republic of Northern Cyprus mudane Teberruken Ulucay.

Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Lefkosa ee caasimadda Jamhuuriyada Turkiga ee Waqooyiga Cyprus ayaa dhigiisa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la isaga kaashaan lahaa arrimaha hormarinta iyo aqoon kororsi dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyiga Cyprus waxa uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment