1581 Views

Dil Ka Dhacay Gobalka Gedo

Dil Ka Dhacay Gobalka Gedo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 Sidda ay Qaranimo Online  u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada Beledxaawo Kooxo hubeysan ayaa halkaasi ku dilay Xalay goor dambe Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad suggida maamulka Jubbaland.

Dilka ayaa waxaa geystay Kooxo hubeysan oo la sheegay in dilka ka dib goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Cabdi Qani Axmed Faarax  waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo,waxaana la sheegay in la dilay xilli u soo socday Xaafaddiisa oo ku taalla Bartamaha degmada Beled Xaawo.

Kooxda dilka ka geysatay ayaa horay u sii qaadatay qori Ak47  ah  oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi.

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa howlgal ka wadda Magaalada Beledxaawo ,waxaana ay baadi goobaayaan kooxihii dilay Sarkaalka..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment