282 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gabaldhicii galabta gaaray MagaaladaKoonfurta Mudug ee Degmada Wisil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gabaldhicii galabta gaaray MagaaladaKoonfurta Mudug ee Degmada  Wisil
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 19, 2022

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug gar ahaan Duleedka  Gobolka Mudug Degmada Wisil  ayaa sheegaya in galabta casirliiqii halkaas uu gaaray Madaxweynaha Dalka Xasan shiikh Maxamuud.

Warar hor dhac ay ayaa sheegaya in Madaxweynaha ay siday Diyaarad Nuuceeda ah kuwa Qumaatiga u kaca oo uu kaga Duulay Degmada Baxdo ee Gobolka galgaduud.

Xildhibaano ka tirsan JFS ,Guddoomiyaha Gobolka mudug, xildhibaano Galmudug ah Saraakiisha Daraawiishta Galmudug,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa halkaas ku sugnaa saacadihii la soo dhaafay si ay u soo dhaweeyaan madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh ayaa booqan doona fariisimaha Ciidamada Daraawiishta iyo Deegaanka ee Dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabaab.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ka socday kacdoon lagaga soo horjeedo AL-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyiin, tuulooyin iyo deegaanno dhowr ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post