948 Views

Trump oo ka digay Somalida Mareykanka in ay geystaan weerarkii 9/11 oo kale

Trump oo ka digay Somalida Mareykanka in ay geystaan weerarkii 9/11 oo kale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Madaxweynaha Mareykanak Donald Trump ayaa barta Twitter-ka ah uga hadlay wiilal Soomaali ah oo lagu qabtay Gobolka Arizona iyaga oo doonayay in ay ku biiraan Daacish.

 

Trump ayaa yiri “waxaa la xiray Soomaali Qaxooti ah oo doonayay in ay ku biiraan Daacish, baaqeenna ugu weyn waa in aan hurdada ka kacnaa oo aan jebinaa ISIS ama waxaa dhacaya weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001kii ka dhacay Dalka Mareykana”.

 

Trump ayaa sheegay in labada wiil ee la xiray ay ku sii jeedeen Masar, hay’adaha Mareykanka ee dhinaca sirdoonkana ay ka hortageen.

 

Waxaa uu xusay in aan loo dulqaadan karin Qaxooti argagixisanimo ku lug leh,waxaa uu ku baaqay in dadka Mareykanka ay feejignaan sare muujiyaan.

 

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in Ahmed Mahad Mohamed, iyo Abdi Yemani Hussein, la xiray markii xogtooda uu dusiyay wiil ay saaxibo yihiin oo la shaqeynayay Hay’adda FBI-da Mareykanka islamarkaana muddo dheer la daba socday.

 

Mid ka mid ah Wiilashada ayaa sheegay in uu doonayo in uu isku qarxiyo aqalka cad ee Mareykanka halka midka kale uu sheegay in labadooda ay doonayaan in ay noqdaan labada qof ee loogu doon doonista badanyahay Adduunka, sida lagu sheegay Dukumiinta laga helay Maxkamaddii loo gudbiyay kiiskooda.

 

Trump ayaa markii uu talada qabtay sanadkii 2017kii waxaa uu lix dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya ka mamnuucay in dalkiisa ay galaan,taas oo uu dhaleeceyn badan kala kulmay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment