3900 Views

Taageerayaal Laacibka Maxamed Saalax Ku Sharfay Toorto 100 Kiilogaram Ah !!!

Taageerayaal Laacibka Maxamed Saalax Ku Sharfay Toorto 100 Kiilogaram Ah !!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 17, 2018 –Laacibka Mxaamed Salaax oo malaha Munaasabadda 26-guuradiisa ku illaabay guuldarrdda Xulka Masar jimcihii kala kulmeen Xulka dalka Uruguay ayaa waxa uu farxad ka qaaday markii ay Taageerayaasha Jejniya ee qeybta ka ah Federalka Raashiya u keeneen Daolsho ama Toorto Weyn oo uu culayskeedu dhamaa 100 Kiilogaram ah, laguna soo dul xardhay Kabo Dahabi ah.

Maxamed Salaax waa uu dhoola-caddeeyey, waxayna Kooxdiisa oo ku ku luqeeyey Dhalasho Farxad leh soo abaareen qolkiisa,  ka hor intaysan shunmac shidin.

Xulka K/cagta Masar waxay maalinta Talaadada la Xulka Raashiya kula ciyaari doonaan Garoonka St Petersburg, iyadoo ciyaarta ku xigtana is-arki doonaan Xulka Sacuudiga.

Maxamed Salaax oo Xilli-ciyaareedkii hore Kooxda Liverpool FC u dhaliyey 44 gool waxa uu ka soo kabanayaa dhaawac dhinaca Garabka oo ka soo gaaray Ciyaartii Finaalka ee Horyaalka Europe oo ay Kooxdiisa bishii May 26-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid.

i1 i2 i3 i4 i7

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment