5613 Views

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo la kulmay Maamulayaasha Iskoolada Gaalkacyo.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo la kulmay Maamulayaasha Iskoolada Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | September 17, 2015 – Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta-sare ee Dawlada Puntland Dr.Abshir Yuusuf Ciise ayaa waxaa uu kulan la qaatay Maamulayaasha Iskoolada Gaalkacyo.

Kulankaan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa kasoo qayb galay 50 Maamule oo ka hawl gala Dugsiyo H/Dhexe iyo kuwo sare waxaana ay ka kala yimaadeen Degmada Gaalkacyo oo Nawaaxigeeda.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa waxaa furfuray Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf waxaana uu sheegay in Wasaarada Waxbarashada ay hoos yimaadaan 120 Iskuul oo ku yaala Gobolka Mudug.

Dr. Abshir Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta-sare ee Puntland ayaa waxaa uu Maamulayaasha ka dhagaystay Xog ku saabsan Dugsiyada ay maamulaan waxaana uu tilmaamay in Maamulayaashu ay yihiin Hormuudka Bulshada loona baahanyahay inay ka shaqeeyaan Hormarka Waxbarashada iyo Waxbarista Dhalaanka iyo Dadka aan Aqoonta lahayn.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay Kormeer ku tagi doonaan Iskoolada Magaalada Gaalkacyo ayna u kuur galayaan Xaalada ka jirta isaga oo sheegay in dhawaan uu soo gaari doono Gobolka Manhajka Waxbarashada oo dhamaystiran.

Si kastaba ha ahaatee Kulankaani ayaa waxaa uu noqonayaa Kulankii u horeeyay oo Wasiirku uu la yeesho Maamulayaasha Iskoolada Magaalada Gaalkacyo waxaana Maamulayaashu ay muujiyeen Farxadooda ku aadan la kulanka Wasiirka.

ww-puntland-5 ww-puntland-4 ww-puntland-3 ww-puntland-2 ww-puntland-1

.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Gaalkacyo – Puntland – Soomaaliya

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment