1380 Views

Soomaaliya oo laga cabsi qabo in ay abaar xoogan ku dhufato

Soomaaliya oo laga cabsi qabo in ay abaar xoogan ku dhufato
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Hay’adda Act Allience oo u dhaq dhaqaaqda xaaladaha Bini’aadanimo ee adduunka gaar ahaan wadamada dagaalada ragaadiyey fadhigeeduna uu yahay dalka Poland ayaa warbixin ay soo saarrtay ku sheegtay in Soomaaliya ay u baahantahay gargaar ka badan midka hada ay hesho si abaar kale oo xoogan ugu dhufan.

Hay’adda ayaa ku nuux nuuxsatay in wax badan ay qabteyn hay’addaha gargaarka balse waxa ay muujisay in ay ka walaacsantahay in aysan ku filneyn gargaaradaasi.

“Soomaaliya waxaa Tobankii sano ee u dambeeyay ku dhuftay abaaro xoogan oo saameeyay nolosha Soomaali badan, inkastoo dadaal dheer ka dib wax muuqda laga qabtay samata bixinta dadka ay saameysay abaarahaasi, hadana waxaa muuqda weli in abarahaasi ay soo laalaaban karaan waayoo roobab la filaayay in ay Soomaalia ka da’aan ayaa baaqday waana waxa aan ka walaacsanahay” ayaa lagu sheegay warbixinta Hay’adda Act Allience.

Warbixintaan kasoo baxday Hay’adda Act Allience ayaa ugu dambeyn hay’addaha gargaarka loogu baaqay in ay sii kordhiyaan gargaarada ay Soomaaliya gaarsiiyaan si looga baaqdfsado abaarro kale.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment