873 Views

Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu geeriyoodey K/Afrika

Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu geeriyoodey K/Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 21 2020–Alle ha Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika Cudurka Coronavirus  ugu geeriyoodey muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cali Khayre ( Cali Xaashi) oo si Cali looga Gudaha dalkaas.

 

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la xanuunsan,isaga oo la dhigay  Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee K/Afrika,halkaas oo uu ku geeriyooday sida ay sheegeen eheladiisa.

 

 

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika Khaliif Xuseen oo ka mid ah Dadka saakay tagay Isbitaalka ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed ay ka warhayeen intii uu xanuunsanaa.

 

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas,waxaana Ganacsigooda saameeysy Cudurka,kadib markii Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka dalkaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment