759 Views

Dowladda Soomaaliya & Hay’adda FAO oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Dowladda Soomaaliya & Hay’adda FAO oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 09, 2020 –
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS  Jamaal Maxamed Xasan, ayaa  Kulan muhiim ah maanta layeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Cunada iyo Beerahaa Qaramada Midopbay ee FAO.

Kulanka ayaa looga hadlay Dardar galinta Qorshayaasha hay’adda Beeraha FAO, ee Soomaaliya iyo xoojinta Xariirka dowladda federaalka Soomaaliya ay la leeyihiin.

Sidoo kale kulanka ayaa laysku waydaarsadatay xogo muhiim ah oo dhinaca hormarinta beeraha iyo Cunada waxaana si wanaagsan laysku waafaqay arinkaasi.

Agaasimaha Hay’adda Beeraha QM ee Soomaaliya, Mr Etienne Peterschmitt ayaa ka mahadceliyay xariirka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Wasaarada Qorsheynta, waxaa uuna ballan qaaday in ay fulin doonan go’aanada  shirka ugu muhiimsan sida wareejinta  xogaha ay aruuriyeen,  tasoo xoojinayso wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan , ayaa dhankiisa tilmaayay in kullankan muhiimad weyn xabaarsanaa, si dowladda Soomaaliya ay kala wareegta xogta dalka ay ka aruurisay dhinacyada ay ka shaqeynso taasoo muujinayso Awooda hay’adda Istaatiijida Qaranka.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa wado daddaalo lagu xoojinayo Hay’adda Istaatiskada Qaranka oo ah howsha loo igmaday Wasaarada aruurinta, keydinta iyo baahinta xoggaha wadanka ee ay wasaaradda doonaysaa in ay kala wareegto hay’adaha xoggaha ka haayo dhinacyada ay Soomaaliya ka taageeran.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post