1881 Views

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in ciidamada Amniga ay dileen raggii ka danbeeyay dilkii Maxamed Maxamuud Sheikh Cali

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in ciidamada Amniga ay dileen raggii ka danbeeyay dilkii Maxamed Maxamuud Sheikh Cali
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 5, 2018 Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen toogtey maleeshiyaad hubeysan oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in haayo cadaymo muujinaya in maleeshiyadaan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen maleeshiyaadkaan iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen.

Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay falkii foosha xumaa ee Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab ay ku dhex dileen qof salaad ku jiray oo dukanayay, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo sida maleeshiyadaan ay uga been sheegayso diinta islaamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment