924 Views

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 14ka Juun, 2020 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment