210 Views

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo looga soo dagi waayey, loogana dhoofi waayey iyo shaqaalihii oo la waayey kadib banaanbax.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo looga soo dagi waayey, loogana dhoofi waayey iyo shaqaalihii oo la waayey kadib banaanbax.
____________________________________________________________________________

Khamiis:  January 19 2023

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo maanta looga soo dagi waayey, loogana dhoofi waayey Ammaan la xumo darteed  iyo shaqaalihii oo la waayey.

Arintan ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib markii Shirkadda maamusha ee Favori ay ku tumatay xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya garoonka,

Waxaa shaqo joojin sameeyey shaqaalaheeda, waxaana saaka la waysan yahay dadkii baadhi lahaa kuwa soo dagaya ama ka baxaya garoonka, xaalkuna waa mid cakiran,  iyaga sabab uga dhigay go’aankooda in lagu tuntay xuquuqdooda shaqaalenimo, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa garoonka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay cadaalad darro ka tirsanayaan maamulka shirkadda, isla-markaana ay go’aansadeen illaa inta wax laga qabanayo cabashadooda ay joojiyaan shaqadii ay ahayeen oo aheyd mid muhiim ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka Aadan Cadde iyo dowladda federaalka oo ku aadan xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Sidee ammaanka garoonka Muqdisho lagu sugi karaa, haddii shaqaalihii lagu aaminay badqabka garoonka, xuquuqdooda mushaarka ah ay dood ka taagan tahay.

Shaqaalaha ayaa cabanaya xuquuq dhanka mushaaraadka ah oo ka maqan iyo sidoo kale in lagu kordhiyay saacadaha shaqada ee garoonka Aadan Cadde

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post