1146 Views

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay weerarkii ka dhacay degmada Walanweyn

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay weerarkii ka dhacay degmada Walanweyn
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-03-2020- Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdullaahi Koosto ayaa xalay ka dhacay degmadaas,waxaana weerarkaas si kulul uga hadlay Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Dowlad Gobolka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyay dilka loo geystay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn,waxaana uu sheegay in uu u geeriyooday bam gacmeed lagu weeraray Hoygiisa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii lagu dilay guddoomiye ku xigeenka Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Cumar(Koosto), kaas oo ay kooxo hubeysan ay ku weerareen hoyga uu ka degenaa Walaweyn.

“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo kooxo hubeysan ay ku weerareen hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi geeriyooday ugu dambeynta ayaa lagu yiri” qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada ayaa sheegay in lagu raad joojo dadkii ka dambeeyay falkaan waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisa iyo Afar Ruux oo kale oo qaarkood deris la ahaa.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdullaahi Koosto, hayeeshee waxaa xusid mudan in degmada Walanweyn ay ka dhaceen dagaal beeleedyo khasaaro farabadan geystay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post