900 Views

Maxamed Mursal oo fariin u diray baarlamaanka una sheegay in ay ka soo qeyb galaan kulan Deg deg ah.

Maxamed Mursal oo fariin u diray baarlamaanka una sheegay in ay ka soo qeyb galaan kulan Deg deg ah.
____________________________________________________________________________

 April 28-2021

Xili Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu xalay saqdhexe qudbadii la wada sugaayay uu ku sheegay in uu dib ugu laabanaayo baarlamaanka Soomaaliya, ayaa  waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu Fariimo u diray baarlamaanka asaga oo ku wargaliyay kulan deg deg ah.

Farriin guddoonka Golaha Shacabku u diray dhammaan xldhibaanada ayaa looga codsaday inay ka soo qeyb galaan kulan ‘aan cadi ahey’ oo madaxweyne Farmaajo kula hadlayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo” ayaa lagu yiri faafin rasmi aheyd oo ku socotay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadan inuu ka codsado Golaha Shacabka inay ka noqdaan go’aankii muddo kordhinta ahaa ee 12-kii April ee uu isna saxiixay, kaddib markii cadaadis iyo cambaareyn ay kala kulmeen gudaha iyo dibaddaba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post