531 Views

Xildhibaanno booqday Bakool kadib dagaalkii Shabaab iyo Liyuu booliska

Xildhibaanno booqday Bakool kadib dagaalkii Shabaab iyo Liyuu booliska
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalooyinka Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolkaas kuwaas oo sababay in dad badan ay halkaas ku barakacaan.

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo kamid ah xildhibaannada Ceelbarde tagay ayaa BBC u sheegay inay doonayaan inay u kuur galaan xaaladda iyo sida gargaar lagu gaarsiin lahaa shacabka ka barakacay dagaalka.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post