927 Views

AMISOM oo sheegtay inay kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

AMISOM oo sheegtay inay kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Abaanduulaha dhawaan loo soo Magacaabay Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya Gen Diomede Ndegeya ayaa markii ugu horeeysay booqasho ku tegay Taliska qeybta 1aad oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Uganda oo kamid ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Abaanduulaha ayaa waxaa uu la kulmay taliye kuxigeenka qaybta 1-aad oo sidoo kale ah ku xigeenka taliyaha Uganda, Col John Winston Mugarura., isaga oo u sheegay in booqashadan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhamaan Xerooyinka AMISOM ee Soomaaliya.

Gen Diomede Ndegeya waxaa uu ku amaanay Ciidamada Uganda ee AMISOM tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Xaqiiqdii, maanta ma fadhiisan lahayn halkan si raaxo leh haddii aysan ahayn geesinimadooda ku aaddan nabadeynta Soomaaliya. Marnaba ma hilmaami doono iyaga waxaanan u dagaalami doonnaa ilaa dhamaadka ilaa iyo inta aysan Shabaab ka sii joogi doonin Soomaaliya, ”ayuu yiri Gen.Ndegeya.

Ciidamada Uganda ayaa waxaa ay kamid yihiin Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM kana howlgalla Soomaaliya,waxaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo fuliyay howlgallo lagula wareegay degaano dhowr ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post