834 Views

Taiwan oo Maanta Xafiis Diplumaasiyadeed ka furatay Hargeysa

Taiwan oo Maanta Xafiis Diplumaasiyadeed ka furatay Hargeysa
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–Taiwan oo aamisan inay ka Go’day Dowladda Shiinaha ayaa Maanta  oo Isniin ah waxaa ay si rasmi ah Xafiiska Doplumaasiyadeed uga furatay Hargeysa ee Soomaaliland.

Munaasabad ka dhacday Xafiiska ayaa waxaa la qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo marti kale iyo qaar kamid ah Bulshada Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale munaasadda waxaa dhinaca online-ka wee Internet-ka  uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Xafiiska ay ka furrteen Soomaaliland.

Xubnaha ka socday Golaha Wasiirada Soomaaliland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay muhiim u arkaan xiriirka Cusub oo ay la sameeyeen Taiwan oo kamid ah Dowladda Shiinaha balse sheegtay inay ka go’day.

Xiriirka Cusub oo u bilaawday Soomaaliland oo kamid ah Soomaaliya balse aamisan inay tahay dowlad gooni ah iyo Taiwan ayaa waxaa dhawaan kasoo horjeestaya dowladda Shiinaha, waxaana Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu sheegay in arrintaasi at tahay sharci darro.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post