1113 Views

Jubbaland oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Al-Shabaab

Jubbaland oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 14  2020–Maamulka jubbaland ayaa sheegay in iyada oo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ka feejigan yihiin weerarada deegaannada Maamulkaas ay Al-Shabaab ka qorsheeyaan inay ka fuliyaan.

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland aan lagu arki karin ruux hubeysan oo aan kamid aheyn Ciidamada Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Jubbaland looga baahan yahay inaysan ogolaan in deegaannada Jubbaland lagu arko dad sameynaya waxyaabo lidi ku ah dhinaca Amniga,isla markaana ay tallaabo ka qaadaan.

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) waxaa uu sheegay inay jiraan dad siyaabo kale u dhigaya feejignaanta amni iyo hwolgallada ay Ciidamada wadaan,abalse aan laga aqbaleyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment