693 Views

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda caleemo-saarka ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ka been sheegay xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda caleemo-saarka ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo  ka been sheegay xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: October 5, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda caleemo-saarka ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ka been sheegay xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey wax uu ugu yeeray “Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.”

Farmaajo sheegay inay muhiim tahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda,” ayuu yiri Farmaajo.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa buu yiri  “xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya” Labada Dal.

“Ethiopia iyo Soomaaliya waxay ku raaxeystaan xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, xiriir shacab-ka-shacab oo xooggan iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu

“Waxaan ka wada shaqeyneynaa inaan abuurno Geeska Afrika oo ammaan ah, is-dhexgala islamarkaana barwaaqo ah, taasi oo u wada wanaagsan dhammaan dadka,” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Ethiopia weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed.  

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Xigasho caasimadda.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post