3423 Views

Shirka maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo la isku mari la’ayahay

Shirka maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo la isku mari la’ayahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 17, 2016: Wararka  na soo gaaray aya sheegaya in, Shirka maamul  u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ka socda magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe, la isku mari la’ yahay qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka maamulka uu yeelanayo.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa ka codsatay duubabka dhaqanka inay qeybsadaan 71 xubnood oo ah xildhaanada baarlamaanka cusub.

Fadhi iyo kulamo is dabajoog ah oo ay duubabka dhaqanka yeelanayeen shalay iyo maanta ayay ku guuleysan waayeen inay qeybsadaan tirada xildhibaanada iyadoo qaar kamid ah duubabka dhaqanka ay diideen tirada beelaha lagu qeybsanayo xubnahan an kor ku soo xusnay.

“Markii hore waxa beelaha labada gobol ahaayeen 24 beel balse hadda wasaarada ayaa gaarsiisay 30 beel mana aha mid suurtogal ah in si sahlan loo qeybsado tirada xubanaha baarlamaanka.”ayuu sheegay mid kamid ah dadka ka qeybgalaya shirka duubabka dhaqanka ay yeelanayeen.

Waxaa magaalada Jowhar ka socda kulano kale oo gaar gaar ah kuwaasoo qaar kamid ah beelaha labada gobol ay ku doonayaan inay sameystaan isbahaysi si ay u helaan awooda dowlada.

Waxaa lagu wadaa in markale la isugu yimaado subaxnimada Axada kulan loogaga hadlay qaabka ugu macquulsan ee loo qeybsanayo tirada xubanaha baarlamaanka oo ah 71.

Maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan, ayaa muddo ka badan sagaal bilood waxaa la isku mari la’ yahay sidii loo qeybsan lahaa xubnaha baarlamaanka iyadoo hore Wasaarada Arrimaha Gudaha qeybin ay sameysay ay ka biyo diideen inta badan beelaha dega labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment