1104 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 27, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi.

 

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada Madaxweynihii dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi oo geeriyooday aroortii Khamiista, 25-kii bisha Luuliyo 2019. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Tuunis ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Muxammad Al-Baaji Alle uga baryey inuu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka reer Tuunisna u rajeeyay sabar iyo iimaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment