1479 Views

Sawirro:-Khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka Oo Xal Laga Gaaray

Sawirro:-Khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka Oo Xal Laga Gaaray
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Saacadihii la soo dhaafay waxa socday kulamo xal loogu raadinayay khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka,kaas oo sababay in ay hakadaaan Shaqooyinkii Golaha Shacabka.

Kulamada oo ahaa kuwa xiriir ah ayaa Saxaafadu banaan joog ka aheyd,hayeeshee Xubno ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka oo iskood isku-xilqaamay ayaa waxa ay shaaciyeen in la xaliyay khilaafkii.

Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafkan Xildhibaan  Abdirashid Mohamed Xidig ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ku wargelinayo in xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay Guddoonka Golaha.

Waxa uu Xildhibaanka Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ka geystaan kala aragti duwanaanshaha mar walba soo kala dhex gala Guddoonka Golaha Shacabka.

Khilaafka Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa kasoo bilaawday kadib markii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka uu kala diray Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Muudeey halka Guddoomiyaha Golaha oo taasi qaadacay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment