1158 Views

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo sheegay inuu gaaray himiladii uu dajiyey 2021-ka marka uu xilka qabtay

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo  sheegay inuu gaaray himiladii uu dajiyey 2021-ka marka uu xilka qabtay
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay dilkiisa inuu gaaray himiladii uu dajiyey 2021-ka marka uu xilka qabtay ee ahaa in 100 malyan oo qof laga saaro saboolnimada.

Balse dhab ahaantii Shiinuhu muxuu gaaray?

Waxaan isbarbar dhig ku sameynay Xogta dalka Shiinaha iyo Xogaha caalamka ee looga cabbir qaato arrimaha saboolnimada u dajiyey Bangiga Adduunka.

Xogta Saboolnimada Shiinaha

Dalka Shiinaha qofka saboolka ah waxaa loo yaqaannaa qof dakhliga maalinti soo gala uu ka yar yahay $2.30 doolarka Mareykanka (iyada oo sicir bararka lagu saleeyey). Waxaana qayaastaasi la dajiyey 2010-kii iyada oo dhanka dakhliga laga eegayo balse waxaa iyaguna tixgelin u baahan xaaladda noolaleed, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Gobolladu waxay dadaal badan ay ugu jireen sidi ay himilada dalka u dejisan ee dhanka ka bixitaanka saboolnimada. Tusaala ahaan gobolka Jiangsu bishii January ee kal hore waxay shaaca ka qaadeen dad gaaraya 17 malyan oo ka mid ah 80-ka malyan ee qof oo gobolkaasi ku nool iney weli saboolnimo haysato.

Halbeegga qaran ee ay adeegsaneysay dowladda Shiinaha ayaa wax yar ka sarreeya khadka $1.90 doolar uu dajiyey Bangiga Adduunka oo looga qayaas qaato saboolnimada qofka dakhligiisu uu intaa ka hooseeyo.

Xogta Bangiga Adduunka

Adeegsiga tirooyinkan waxay sawir naga siineysaa cabbir heer sare ah oo Bangiga Adduunka uu u adeegsado waddamada caalamka oo dhan.

1990-kii dad ka badan 750 malyan oo qof ayay noolashooda ka hooseysay cabbirka saboolnimada dunida u yiillay tiradaasi la mid ah 2/3 shacabka dalkaasi iney saboolnimo haysato.

2012-kii tirada dadki saboolka ahaa waxay hoos u dhacday wax ka yar 90 malyan, tirooyinki ugu dambeeyey u bangiga adduunka uu shaaciyeyna waxay sheegtay iney hoos u dhacday oo ay gaartay ilaa 7.2 malyan oo qof.

Taa waxay caddeyn u tahay xataa sanadkii 2016-kii inuu Shiinaha inuu ku socday waddadi uu ku gaari lahaa bartilmaameedki u yiillay.

Waxayna taa muujineysaa dalka Shiinaha guud ahaan 30 sana ka hor dadka saboolnimada ba’an ku noolaa tiradooda iney gaareysay 745 malyan oo qof.

Bangiga adduunka tirada rasmiga ah ee ugu dambeysay ee saboolnimada Shiinaha ma soo saarin balse warbixinta bangiga ayaa salka ku haysa shaacinta dowladda Shiinaha ka soo yeertay.

Waddamada kale gobolka haddii aan eegnana dalka Vietnam si la yaab leh ayey hoos ugu dhacday saboolnimadi ba’neyd ee dalkaasi ka jirtay.

Dalka Hindiya oo ah waddan weyn oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan dunida 22% shacabka dalkaasi 2011-kii waxay ku noolaayen noolal ka hooseysa cabbirka saboolnimada ee dunida u yaalla, balse xogta ugu dambeysa ay wax iska beddeli karto.

Shacabka ku nool dalka Brazil 4.4.% waxay maalinti helaan dakhli ka yar $1.90 doolar.

Kobaca degdegga ah ee Shiinaha

Hoos u dhaca degdegga ah ee ku yimid saboolnimada Shiinaha ayaa ah mid la jaanqaadday kobaca dhaqaale ee degdegga ah ee dalka Shiinaha. Wuxuuna dalkaasi ahmiyad gaar ah uu siiyey saboolnimada dhulka miyiga ka jirta sidii uu wax uga qaban lahaa.

guryo cusub oo ay u dhistay. Inta badan guriyahaasi waxay dowladdu ka dhistaa magaalooyinka, balse mararka qaar dhismayaashi hore ee duugga ah ayaa ka ag dhistaa dhismo cusub.

Balse waxaa dowladda lagu cambaareeyaa dadku iney kala dooran karin halka ay ku noolaanayaan iyo shaqada ay qabanayaan.

Dhinacyada qaar ayaa saboolnimada dhulka miyiga u badan u sababeynaya siyaasadda Xisbiga Hanti wadaagga ee dalkaasi ka arrimiya.

“Waxaan la inkiri karin 40-kii sano ee ugu dambeeyey gabi ahaan wax aan caadi ahayn iney dalka Shiinaha ka dhaceen” ayuu yiri Dhaqaalayahan David Rennie.

Mao Zedong oo ah ninki 1949-kii aasaasay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa dalkaasi u horseeday inuu dhaqaalaha dalka ee beeraha ku saleysnaa looga wareego warshadaha sanadkii 1950-kii. Awaamiirta adag uu Mao dalka ku soo rogayna waxay sababtay in sanadki 1958-kii ay dad badan gaajo iyo macluul u dhintaan.

Tusaale ahaan Bangiga Adduunka wuxuu dajiyey halbeeg lagu kala saaro khadka saboolnimada waddamada dakhligooda sarreeyo, si xaaladdooda dhaqaale loo muujiyo. Waxaana la dajiyey dakhliga maanlinti qofka soo galo ee laga cabbir qaato inuu noqdo $5.50 doolar.

Shiinaha wuxuu hadda ka mid yahay waddamada uu dakhligoodu sarreeyo ayuu yiri Bangiga Adduunka.

Sanadki hore Ra’isal wasaraha Shiinaha Li Keqiang wuxuu sheegay dalka Shiinaha iney weli ku nool yihiin 600 oo malyan oo qof oo dakhliga bishi soo galo celclis ahaan uu yahay 1000 Yuan oo lacagta Shiinaha o u dhiganta ($154) doolar. Wuxuuna sheegay lacagtaasi iney ku filneyn in magaalo qol looga kireysto.

Si kastaba ha ahaatee, Shiinaha wuxuu ku talaabsatay horumar ballaaran si uu malaayiin qof uga saarto heerarka noolaleed ee aadka u adag dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post