612 Views

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo xalay kulmay

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo  xalay kulmay
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa.

Labada Madaxweyne ee Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Qoorqoor ayaa kulankooda sidoo kale uga wada hadlay Arrimo ku aadan deegaanada mamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo xoojinta wadashaqeynta labada maamul.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku maqan dalka Turkiga.

.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post