894 Views

Hormuud Salaam Foundation oo $100,000 ugu deeqday abaaraha ka jira Goboladda J/hoose iyo Gedo.

Hormuud Salaam Foundation oo $100,000 ugu deeqday abaaraha ka jira Goboladda J/hoose iyo Gedo.
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 18, 2021

Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta ugu deeqdey $100,000, taasoo gurmad biyo dhaamin ah loogu sameyn doono, dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaraha ka jira, Gobollada J/Hoose iyo Gedo.

Deeqdaas oo maanta looga dhawaaqay shir jaraaid, oo uu gudoomiyaha HSF, Abdullahi Nur Osman ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegey, in ay ka jirto abaar daran oo galaafatay xoolihii, Goboladaas iyaga ah, gaar ahaan waxaa uu xusay in hada culeyska ugu daran uu ka jiro, tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee hoos yimaada, degmooyinka Dhoobleey iyo Afmadoow, iyo degaanada la teedsan xuduuda Kenya.

Abaarta ayaa waxa ay sababtay in xoola dhaqatadii aay xoolihii ka dhamaadaan, haatana aay bilowdey ineey saameeyso dadkii, iyadoo lasoo sheegayo in nin uu is daldalay ka dib markii aay ka dhamaadeen xoolihii uu lahaa, wax uu siiyana uu waayey qoyskiisii.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa sheegey in tuulooyinka iyo deegaanada ay sameeysey abaarta ee hoos yimaada Dhoobleey ay ka mid yihiin: DIIF, DHUYACGAROON, SHABAAX, YARAA, KOR U XIRAAY, GOODEYAA, BARKADLE, TAABTA, HOOSINGOW, HAAWINAA.

Dhanka Afmadoow, tuulooyinka iyo degaanada ay saameeysey waxaa iyagana ka mid ah: JIIRO, HABAJOO, XAYO, ARBAA QARSO, CAGLIBAAX, MAGAR, NEGASROOBO, DHAANIJ, JAMAR, QOOQAANI.

Gudoomiyaha HSF ayaa xusay in dadka ay aadka u saameeysey abaarta ay yihiin dadkii xoolo dhaqatada ahaa, ay gurreen warihii ay biyaha ka cabi jireen, ka dib markii ay dhacday roob la’aan, waxaana uu sheegey, in abaarta saameynteeda ay si xowli ah haatan u socoto, una baahan tahay gurmad xoog leh, waxaana uuu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen dadkaas ay sameeysey abaarta daran ee ka jirta Goboladaas Jubbooyinka iyo Gedo.

Gudoomiyaha HSF, Abdullahi Nur Osman, ayaa sheegey in deeqdaan $100,000, oo ay maanta ku dhawaaqeen ay tahay wajigii koowaad ee gurmadka ay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ugu gurmanayaan, waxaana uu sheegey in HSF,  marwalba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, xaalad kastaa oo lasoo gudboonaatana ay la garab taagan yihiin hiil iyo hoo intaba, waxaana uu allah ka baryey inuu abaartaas ka dulqaado dadkeena Soomaaliyeed, oo roob iyo raxmad ilaaheey na siiyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post