330 Views

Maxamed Salaad “Soomaaliya waxaa gabay tacliinleyda”

Maxamed Salaad “Soomaaliya waxaa gabay tacliinleyda”
____________________________________________________________________________

Khamiis, 22 December [QARANIMO ONLINE] Maxamed Salaad oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha ammaanka, oo ka hadlay kulan ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Accord oo lagu qabtay Netherlands ayaa sheegay in Soomaaliya dhinacyada ay ka dhimatay ka mid tahay;  dadkii wax bartay ama xilliyadii hore dalka wax ha ku bartaan ama dibedda ha ku soo bartaan oo halkii ay aheyd in ay u midoobaan Soomaali mid ah, ka shaqeynayaan Soomaali gobol gobol u kala qeybsan.

“Rwanda wixii ka dhacay Soomaaliya kama dhicin, dad dhowr boqol kun ah oo meel la isugu geeyay oo lagu xasuuqay Soomaaliya kama dhicin, halkii ay joogtay Rwadan 1994-tii iyo maanta oo ay safka hore kaga jirto dalalka ugu qurxoon Afrika guusha intaas la’eg ma keenin Madaxweynes Paul Kagama keligiis waxaa fududeeyey dadkeedii oo gartay in ay sharaftooda & heykalkii Dowladnimada ay soo ceshadaan. Soomaaliya ma helin wax si daacad ah ugu shaqeeya ee wax ka shaqeysta un bay helaan” Ayuu yiri Maxamed Salaad oo ka hadlayay kulankii ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Accord ee ka dhacay NL.

Maxamed Salaad wuxuu u mahadceliyay Prof. Abdulkadir Basheer & Jaamacadda Accord isaga oo ku ammaanay qabanqaabada kulankan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post