1047 Views

Turkiga oo Soomaaliya usoo diray Diyaarad wada agab looga hortagayo Coronavirus.

Turkiga oo Soomaaliya usoo diray Diyaarad wada agab looga hortagayo Coronavirus.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 17 2020– Diyaarad Militari oo wada gargaar bani aadamnimo ayaa maanta oo jimco ah kasoo duushay Garoon ay leeyihiin Militariga Turkiga oo 15 KM kaga beegan dhinaca Galbeed Magaalada Ankara oo lagu magacaabo Etimesgut Air Base.

 

Shixnadda ay wado diyaaradaan waa daawo iyo agab caafimaad oo looga hortagayo cudurka Coronavirus, waxaana Dowladda Soomaaliya u qoondeyso Dhiggeeda Turkiga sida ay Dowladdu ku warrantay.

Gargaarka waxaa diyaarisay Wasaaradda Caafimadda waxaana ay ku wareejisay Bisha Cas Turkiga oo iyanna isla maanta usoo qaaday magaalada Muqdisho.

 

Mas’uuliyiin kooban oo katirsan Ururka Bisha Cas Turkiga ayaa la socda Diyaaradda gargaarka wadda oo ah mid militari, waxaana Muqdisho kusoo dhaweynayaa Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Safaaradda Turkiga ee dalka

 

Turkiga ayaa waayihii dambe waday gurmad uu siinayo dalalka uu saameynta taban ku yeeshay Coronavirus, waxaana gurmad ay u direen wadamada kala ah: Britain, Italy, Spain, Serbia, Montenegro, northern Macedonia and Bosnia and Herzegovina.

Isha: Anadolu Agency

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment