1773 Views

Maamulaha Manchester United oo difaacay ciyartoydiisa taageerada u muujiyay Falastiin

Maamulaha Manchester United oo  difaacay ciyartoydiisa taageerada u muujiyay Falastiin
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Waxaa aad loo hadal hayaa labo ciyartooy oo ka tirsan kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Manchester United oo calanka Falastiin kusoo bandhigay garoonka kooxdaas ee Old Trafford kadib xaley 1-1 ay kusoo idlaatay ciyaar kala dhexeeysay kooxda Fulham.

Paul Pogba iyo Amad Diallo ayaa la arkayay iyago lulaya calanka Falastiin xilli ay ku sugnaayeen garoonka, waxay tageero u muujinayeen Falastiin.

Waxay u muuqdeen in taageerayaasha kooxda ay u dhiibeen calanka Falastiin.

Maamulaha kooxda Manchester Ole Gunnar Solskjaer ayaa difaacay ciyartoydiisa taageerada u muujiyay Falastiin isla markaana sheegay in kooxda ay qaddarineyso fikirka qofka.

“Waxaan leenahay ciyaartooy meelo kala duwan kasoo kala jeedo oo leh dhaqamo kala duwan, dalal kala duwan kasoo kala jeedo, waa in lagu tixgeliyo ra’yigooda” ayuu yiri maamulaha kooxda Manchester.

Wuxuu intaas ku daray, “Haddii ciyaartoydeyda ay ka fakarayaan wax ka baxsan ciyaaraha, waa arrin wanaagsan”

Waxaa tallaabadan soo dhaweeyay safiirka Falastiin u fadhiya magaalada London.

Wuxuu uga mahad celiyay ciyaartoyda taageerada ay u muujiyeen Falastiin.

Dhawaan ayay aheyd markii ciyaartooy ka dheela kooxaha Arsenal iyo Ajax ay dhaleeceyn kala kulmeen tageerayaashooda, kadib markii ay taageereen Falastiin.

Ciyaartoydaas waxaa kamid ahaa Maxmed El-Niny oo u dheela Arsenal, saddex ciyaartooy oo kasoo jeedo Morocco oo u dheela kooxda Ajax, ee kala ah Naseer Mazraoui, Usama Al Idrissi iyo Zakariya Labeyd.

Sidoo kale habeenkii Axadda aheyd Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury oo u dheela kooxda Leicester, ayaa la arkayay iyagoo sita calanka Falastiin, si ay taageero ugu muujiyaan shacabka Falastiiniyiinta.

Madaxa xafiiska diblomaasiyadda Falastiin ee London, ayaa warqad mahad celin ah u qoray labo ciyaaryahan oo calanka Falastiin ka dhex lulay garoon kubadda cagta ah, iyagoo u dabaal degayay guushii FA cub-ka ay ka gaareen kooxda Leicester ee ka dhisan Ingiriiska.

Husam Zomlot ayaa sheegay in taageerada ay muujiyeen Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury, ay ahayd mid aad loogaga diirsadey dhulka Falastiin oo dhan.

London waxaa habeenkii Axadda ka dhacday ciyaar xiiso leh oo lagu soo gaba gabeynayay koobka FA cup-ka. Ciyaarta waxaa ku badiyey 1-0 Liecester oo markii ugu horeysay qaaday koobka FA-ga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post