324 Views

Puntland oo ka hadashay diyaaradii sitay guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu celiyay

Puntland oo ka hadashay diyaaradii sitay guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu celiyay
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyaynta dawladda Puntland ee dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulraxmaan Dhabancad, ayaa ka warbixiyey diyaarad maanta laga celiyay magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in wafdiga guddooomiye kuxigeenka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ee ka imanayey magaalada Muqdisho, aaney lasoo xiriirin Puntland, si markaa maamulku uu u qaabilo.

Wuxuu intaa raaciyey wasiirku in haatan ay abaar ka jirto dalka Soomaaliya, taasoo loo baahan yahay dadaaalka dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Dhabancad, ayaa tilmaamey in hannaanka federaalka uu qeybinayo awoodaha, isla markaana la doonayo in dowladda iyo maamulada ay tahay lagama maarmaan iney iska war qabaan.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Puntland uu diyaar u yahay iney kala shaqeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada kalaba, ka hortagga abaarta iyo gargaar u fidinta shacabka tabaaleysan.

Wasiir Dhabancad, ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya in hadda kadib aaney dhicin gacan dhaaf iyo iska warqab la’aan, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyey in wixii maanta dhacey aaney dib danbe u dhicin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post