1137 Views

Itoobiya oo gaashaanka u daruurtay baaq ka soo yeeray jaamacada carabta

Itoobiya oo gaashaanka u daruurtay baaq ka soo yeeray  jaamacada carabta
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Itoobiya ayaa kahor timid dalab kaga yimid Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa, taasoo loogga xaajoonayo biyo xireenkeeda.

Wasiiradda Arrimaha dibadda ee dalalkaJaamacadda Carabta, ee kasocda magaalada Doxa ee dalka Qadar, ayaa ka dalbadey Golaha Ammaanka in tixgalin gaar ah la siiyo walaaca ka jiro biyo xireenka Itoobiya.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Gahit, ayaa tilmaamey in iyagu ka dalbadeen Golaha Ammaanka in kulan uu yeesho lagu falan qeeyo biyo xireenka Itoobiya.

Itoobiya ayuu muran wuxuu kala dhaxeeyaa dalalka Masar iyo Sudan, kaasoo ku saabsan sida loo qeybsanayo biyaha wabiga Niil.

Waxey dhistay itoobiya biyo xireen ay dooneyso iney ka dhaliso koronto, ha yeeshee sida Sudan iyo Masar ay sheegeen wuxuu biyo xireenkani hoos u dhigi doonaa qulqulka biyaha dalalka soo gaara.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post