1902 Views

Aqalka Sare oo joojiyay wada shaqeyntii Golaha Shacabka

Aqalka Sare oo joojiyay wada shaqeyntii Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo, 03, 2019 – Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka.

Qoraalka uu gudoomiye Cabdi Xaashi ku sexeexan yahay ayaa looga codsaday in madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu wax ka qabto qoddo ay ka mid yihiin kuwo ay isla meel dhigi waayeen laba aqal taas oo keentay in Aqalka Sare joojiyo wadashaqeynta. Qodobada ay isku mari waayeen ayaa waxaa kamid ah kuwa hoos ku qoran.

  • Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.
  • Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka,
  • Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.

Waa markii ugu horeysay oo Aqalka sare si cad u shaaciyo in uu joojiyay gabi ahaanba wada shaqeyntii Golaha Shacabka oo dhawaan meel mariyay miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2019ka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment