1233 Views

Matalayaasha Somaaliland Oo Aan Qayb Ka ahayn Shirka Garoowe

Matalayaasha Somaaliland Oo Aan Qayb Ka ahayn Shirka Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 05, 2019 –Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa ka socda Shir u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda waxaana looga hadlaya Xaaladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa maanta waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland,Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

 

Waxaa sidoo kale shirkaan ka qeyb galay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisow iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo ka socda gobolka Banaadir.

 

Shirkaan ayaa ah Mid muhiim ah oo looga hadlaayo Mustaqbalka Soomaaliya sidda dastuurka, doorashooyinka iyo Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

 

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galin Matalayeyaasha Somaliland ee dowladda dhexe ee Soomaaliya sidda Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare.

 

Inta badan Shirarkii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda ayaa looga bartay in ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dowladda dhexe ee kasoo jeedda Somaliland, laakiin ma dhicin in ay ka qeyb galaan shirka ka socda Garowe Maanta.

Inta badan Siyaasadda Somaliland ee dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ku matala Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ama Gudoomiyaha Aqalka Sare.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment