1188 Views

Taliyaha Cusub ee AFRICOM oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Taliyaha Cusub ee AFRICOM oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 08, 2019 —Shalay waxaa Magalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend,isaga oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota & Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

War-Saxaafadeed Africom kasoo baxay oo looga hadlayay booqasahda taliyaha Cusub ayaa lagu sheegay in booqashada Jeneraal Stephen Townsend ay tahay fursad lagu qiimeynaayo sida ay tahay  xaalada Soomaaliya, iyada oo la xoojinayo sida Africom uga go’an tahay danta Amniga ee dalalka Gobolka.

“Waa ay iga go’an tahay inaan wadashaqeyno,isla markaana aan iskaashigeena xoojino,Soomaaliya iyo xulufada kale,waxaan culeys joogto ah saari doonaa Ururada xagjirka ah,waxaana culeyska uu abuurayaa horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ayuu jiri Jeneraal Stephen Townsend.

Sidoo kale War-Saxafadeedka ayaa lagu sheegay in dadaalada Mareykanka ee Soomaaliya ay ku tacaluqaan tallaabo diblumaasiyadeed oo ah dhinaca horumarka iyo Gaashaandhigga iyo sida uu Mareykanka Soomaaliya uga caawinayo dhinac walba.

Ugu dambeyn ayaa War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab aysan laheyn awood ay ku weerari karaan mareykanka,laakin hadii ay fursad u helaan ay weerari lahaayeen,waxaana inta badan War-Saxaafadeedka looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Sahqooyinka horyaalla Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment