942 Views

Duqayn ka dhacday Deegaanada Qaycad iyo Xara Dheere oo Al-shabaab Fariisin u ah

Duqayn ka dhacday Deegaanada Qaycad iyo Xara  Dheere oo Al-shabaab  Fariisin u ah
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in Maanta ay ka dhacday aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareeri Dheere ee katirsan Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in degaanka la duqeeyay oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen ay sidoo kale galeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo howlgal kujira.

Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka dhacay saldhig kale oo kooxda Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey, Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Ilaa laba Gantal ayaa la sheegay in diyaarad dagaal ay ku duqeysay deganka duleedka ka xiga degaanka Qaycad ee katirsan Gobolka Mudug, halkaas oo sidoo kale meel u dhow ay howlgallo ka wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

Tiro laba jeer ah ayaa duqeyn dhinaca cirka ah waxaa lala beegsaday degaanka ku yaal duleedka degaanka Qaycad ee Gobolka Mudug, waxaana Mareykanka oo sheegtay duqeyntaas uu sheegay inay aheyd mid lagu taageerayay Ciidamada dowladda ee aagaas howlgallada ka wada

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post