786 Views

Qasaaraha ka dhashay Bam-gacmeedka xalay lagu Kismaayo

Qasaaraha ka dhashay Bam-gacmeedka xalay lagu  Kismaayo
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaare ka dhashay bam-gacmeed xalay lagu weeraray bar-kantarool oo ku taalla magaalada Kismaayo, sida laga soo xigtay laamaha Amniga Jubaland.

Bam-gacmeedka ayaa sida wararku sheegayan fiidnimadii xalay lagu tuuray Isgooyska Soomaali Istaar ee gudaha Kismaayo, halkaas oo ah bar-kantarool oo laga sugo Amniga magaalada.

Inta la xaqiijiyay e ruux ayaa ku dhintay, todoba kalena waa ku dhaawacmeen bam-gacmeedka, waxaana durba goobta hawlgal ku tegay ciidanka Booliiska Jubaland.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan weerarada ka dhaca magaalada Kismaayo. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post