2907 Views

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Ku Soo Wajahan Muqdisho

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Ku Soo Wajahan  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 27  Oktoobar 2017 —Magaalada Muqdisho maanta waxaa Maanta ku  soo wajahan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka si ay uga qeybgalaan Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Shirkan ayaa waxaa lagu casuumay Dhamaan madaxda 5-ta Maamul Goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dagaalada cusub ee dowladda dooneyso iney ku qaado deegaanada Al-Shabaab ka joogaan Gobolada dalka Somaliya, Gulufta meesha ugu horeyso ee dowladda isu diyaarineyso iney ku qaado ayaa ah Gobolka Sh.Hoose oo ay meelo badan ka joogaan Al-Shabaab.

Shirka beri oo Sabti ah furmayo ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayaa xal ka gaarista Khilaafka Siyaasaded ee soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada ee salka ku haya Go’aanka isburinaya ee laga qaatay xiisada udhexeysa Dalalka Khaliijka oo saameysay Somalida.

Caawa ayaa la filayaa in Madaxda Maamul goboleedyada ay is arkaan Madaxweyne Farmaajo si la isula meel dhigo Ajandayaasha shirka ka hor furitaankiisa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa qaba walaac ku aadan in doorasho lagu qbato Cadaado inta uu ku suganyahay Magaalada Muqdisho maadaama Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaankaba ka soo horjeedaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment