675 Views

Wasiir Beyle oo qaabilay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland

Wasiir Beyle oo qaabilay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland
____________________________________________________________________________

Axad: June 12, 2022

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqalaha Dawlad Goboledka Jubbaland Mudane Xuseen Xirsi Axmed oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Cabdiraxman Hudle ayaa Maanta waxey kulan la qaateen Wasiirka Maaliyadda DFS Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ay ka wada hadleen mas’uuliyiinta xoojinta iyo iskaashiga hormumarinta Maaliyadda wadanka Gaar ahaan maashaariicda horumarineed, hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, Abaaraha iyo horumarinta shuruucda Maaliyadda wadanka.

Intaas kadib , Wasiirka iyo Agaasimaha waxey booqasho ugu tageen Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee DFS Cabdiraxman oo ka wada hadleen dib-u-yagleelidda Faraca Bangiga dhexe qeybtiisa Jubbaland in laga furo Kismaayo si looga maarmo Bangiyada gaarka loo leeyahay

Sidoo kale waxaa la isku afgartay diyaarinta sharciyada dhisidda Bangiga Jubbaland.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post