804 Views

Xoghayaha guud ee QM oo sheegay in aysan aqoonsanen xukuumada cusub ee kooxda Daliban.

Xoghayaha guud ee QM oo  sheegay in aysan aqoonsanen xukuumada cusub ee kooxda Daliban.
____________________________________________________________________________

 Arbaco: September 8, 2021

Farxan Xaq oo u hadlay xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in aysan aqoonsanen xukuumada cusub ay ku dhawaqeen kooxda Daliban, Waxa uu cadeeyay in loo baahnaa in dhinacyada siyaasadeed ee afgaanistan ay ka dhex muuqdaan xukuumada cusub.

Ururka taalibaan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay dowlad cusub oo ay ugu magac dareen dowladda Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan , waxaana dowladdan madax looga dhigay Mullah Maxamed Xasan Akhund.

Mullah Maxamed waxa uu ka mid yahay asaaseyaashii ururka Dhaalibaan, waxaana ku xigeen looga dhigay Mullah Abdul Ghani Baradar oo isna wax ka asaasay ururka. Mullah Cabdisalaan Xanafi ayaa isna la dhigay ku xigeenka labaad ee dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Imaaradda Islaamka Afghanistan ayaa loo magacaabay nin ku jira liiska dadka ay FBI-da doondoonayso oo magaciisu yahay Sirajudiin Xaqani oo madax ka ah ururka Shabakadda Xaqaani ee ka dhisan Pakistan iyo Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post