996 Views

War deg deg ah: Wasaarada warfaafinta oo diiday Warbixintii Villa Somaliya caawa qortayna Magacaabistii Raisal wasaare Rooble

War deg deg ah: Wasaarada warfaafinta  oo diiday Warbixintii  Villa Somaliya caawa qortayna Magacaabistii Raisal wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: September 8, 2021

Wasaarada warfaafinta DF ayaa goor dhawayd qortay Xilka qaadistii uu Raisal Wasaare Rooble.

Wasaaraddda ayaa diiday in ay qorto Warbixin isla caawa ka soo baxday Villa Somaliya oo lagu diidanaa magacaabista wasiirka Cusub ee Amniga.

Rooble ayaa caawa xilka ka qaaday wasiirka amniga gudaha Xundubey, isagoo xilkaas u magacaabay C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo warkan markii uu soo baxay si toos ah looga sii daayey.

Sidoo kale Waxay u muuqataa in warbaahinta dowladda ay gebi ahaanba joojisay faafinta War saxaafadeedyada kasoo baxa xafiiska madaxweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in boggaga warbaahinta dowladda laga saaray saraakiishii warfaafinta Villa Soomaaliya ee galaangalka u lahaa in ay wax soo galin karaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post