4017 Views

Soomaalida magaalada Toronto oo qeyb ka noqonaya siyaasada dalka Canada

Soomaalida magaalada Toronto oo qeyb ka noqonaya siyaasada dalka Canada
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | October 11, 2018 – Qiyaas ahaan dadka Soomaalida asal koodu yahay intooda badani waxay yimaadeen dalka Canada intii u dhaxaysay 1980-kii iyo horraantii 1990-maadkii, iyada oo qaar ka mid ah u haajirey dibadda Maraykanka. Sida laga soo xigtay tirakoobyada Canada, tirakoobkii ugu danbeeyay ee dalka Canada wuxuu ahaa sanadkii 2016 qiyaas ahaan waxaa lasheeyay in dadka jinsiyaduu Soomaali tahay ay qiyaas ahaan yihiin ama kor u dhaafeen 100,000 (boqol kun oo qof), kuwaas waxaa ka mid ah ku dhawaad 14,000 dhowaan yimid.

Sida qiyaas ahaan la sheegay tida Soomaalida ugu badan ee dalka Canada waxay ku noolyihiin magaalada Toronto iyadoo qiyaastaasna ay tahay tii ugu danbeysay ee tirakoobkii 2016, waxaa la rumeysanahay in intooda daban ama 85% ay yihiin qoysas taana waxaa sii dheer in qoyskii ugu yar uu leeyahay 2 ama sadex caruur ah.

Qormadeena maanta waxaan ku soo qaadaneynaa sida jaaliada Soomaaliyeed ee dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto ay yihiin kuwo codkooda ku miijin kara cida ama murashaxa ay rabaan inuu ku metelo siyaada dalka. Tirakoob ama qiyaas la sameynay ayaa waxa ay tibaaxeeysaa in guri waliba ee qoys Soomaaliyeed kunool yahay ay qiyaas ahaan joogaan Hooyo, Aabe iyo ugu yaraan 2 caruur ah oo qaangaaray codkoodana ku biirin kara doorashooyinka heer deegaan, heer degmo, heer gobol iyo mid federaal ah, sidaa daraadeed ayaad waxaad arkeysaa sida ay Soomaalida ku dhaqan magalaadan Toronto ay sanadadii lasoo dhaafay ay ugu dhiiradeen in codkooda uu noqdo mid mira dhala.

Waxaa inagu soo fool leh doorashooyinkii Golaha Wakiilada Degmooyinka iyo kii Dugsiyada (City Counsilors and School Board Trustees) – waxaa aragnaa in Murashixiin badan oo Soomaaliyeed ay u soo istaageen inay ka mid noqdaan hogaamiyayaasha dhinacyadaas, waxaana hubaa in hadii codkeena iyo maskaxdeena aan adeegsano aan ka mid noqon karno hogaamiyayaasha mustaqbalka dalka Canada.

Tani waxay soo if baxday kabid markii aan aragnay sida ay muhiimka u tahay in aan muujino codkeena anaga oo isku duuban, waxaana mireheedii aragnay kadib markii ay Soomaalidu u istaageen inay doortaan xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka Canada.

Jaaliyada Soomaaliyeed oo isku duuban ayaa qeyb libaax ka qaatay doorashadii  Xildhibaan Ahmed Husein kadibna Noqda Wasiir heer Federaal, waxay doorteed Xildhibaan Faysal Hassan, waxay codkooda si hagar la’aan ah u siiyeed murashiin kale soo Soomaaliyeed balse aan nasiib u helin in guusha dhankooda timaado.

Bishaan Oktoober, waxaa inagu soo fool leh doorashooyinkii Golaha Wakiilada Degmooyinka iyo Dugsiyada – Soomaali badan ayaan qeyb ka ah murashixiinta, waxaan rajeyneynaa in guulo wax ku ool ah ay ka soo hoyn doonaan tartamada inagu soo aadan, sidaa daraadeed Soomaalida ku dhaqan magaalada Toronto waxaan rajeyneynaa in ay qeyb weyn oo lixaadle ka qaadan doonaan muujina doonaan codkooda.

deeqo-city-councelorNaiima-city-councelor

foos-sbtrustee-1saamiya-sbtrustee-1

–   zakariye-sbtrustee-1siham-sbtrustee-1ali-sbtrustee-1AHMED-SID-sbtrustee-1

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment