1269 Views

Mareykanka oo loogu baaqayo inuu kordhiyo waqtiga ciidamadiisa uu kala baxayo Afghanistaan

Mareykanka oo loogu baaqayo inuu kordhiyo waqtiga ciidamadiisa uu kala baxayo Afghanistaan
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Waxaa isa soo taraya walaaca sii kordhaya ee ku aaddan waxa ku dhici doona daadgureynta ka socota caasimadda Kabul, haddii Mareykanka uusan kordhin waqtiga uu u qabtay ka bixitaanka ciidamada ka jooga halkaas.

Ciidamada Mareykanka ayaa ugu danbeyn ka baxaya Afghanistaan 31-ka Ogoosto oo toban maalmood oo keliya ay ka harsan tahay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa toddobaadkan sheegay inuu kordhin doono waqtiga ka bixitaanka ciidamada ka jooga Afghanistan, haddii ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo halkaasi ku haray.

Balse, iyadoo ciidamada Mareykanka ay maamulaan gegidda diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayaa dalal kale ay ku tiirsan yihiin mareykanka si ay muwaadiniintooda u soo saaraan.

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in dalal dhowr ah oo ka tirsan isbahaysiga ay soo jeediyeen, in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu sii wado daad-gureynta wixii ka dambeeya 31-ka Ogoosto, si loogu oggolaado inay dad badan dalka uga baxaan

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post