1374 Views

Kenya: Muwaadin Soomaali Haysta Dhalashada Dalka New Zealand Oo La Sii Daayey

Kenya: Muwaadin Soomaali Haysta Dhalashada Dalka New Zealand Oo La Sii Daayey
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 09, 2019 –Maxkamadda Degmadda Gaarisa ee W/bari dalkaasi waxay Xabsiga ka sii daysay Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Sulub Warfaa oo 36-jir ah, kaasi oo gacanta Boliska ku jiray muddo dhowr maalmood.

Sulub Wafaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu dib u helo Xorriyadiisa, wuxuuna sheegay inaan wax jir-dila ah lagu sameynin.

Waxa uu sheegay in loo xoray isagoo ku dhashay Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi la micno ahayn inuu yahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay Sulub Warfaa oo isaga iyo 10-qof oo kale isbuucii hore lagu xiray meel ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.

Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay horey ugu soo eedeeyeen Ninkaasi inuu watay 2 Baasaboor oo dalka New Zealand oo magacyo kala duwan ku qornaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment