657 Views

Beledweyne oo xalay lagu dilay nin Ganacsade ah.

Beledweyne  oo xalay lagu dilay nin Ganacsade ah.
____________________________________________________________________________

agaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo xalay lagu dilay nin Ganacsade ah.

Jimco: August 6, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay nin Ganacsade ah.

Marxuum Cumar Yuusuf Cali Ducaale oo ka mid ahaa ganacsatada Gobolkaasi Hiiraan, waxaana la sheegay Marxuumka in lagu dilay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Dilka Marxuumka ayaa waxaa fuliyay koox Bistoolado ku hubeysan oo sida dadka degaanku ay sheegeen goobta isaga baxsaday dilka kadib.

Maamulka Degmada iyo hay’adaha ammaanka Gobolka Hiiraan wali wax war ah kaam soos aarin dilkaasi xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafada Howlwadaag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post