192 Views

Ra’iisulwasaare Xamse oo si kulul uga hadlay xadgudubka Itoobiya ee dhulkeena ‘Bad, Beri iyo Cir’

Ra’iisulwasaare Xamse oo si kulul uga hadlay xadgudubka Itoobiya ee dhulkeena ‘Bad, Beri iyo Cir’
____________________________________________________________________________

Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo markii uu shirka soo idlaaday warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacayka Soomaaliyeed in ay isdejiyaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in dowladdu aysan ogolaandoonin bixinta taako kamid ah dhulka Jamhuuriyadda federalka ayna iska difaaci doonaan.

“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo in ay naga go’an tahay difaaca dalka, taako kamid ah Barrigeenna, Baddeenna iyo Cirkeenna laguma soo xadgudbi karo, waji kasta oo sharci ah Ayaan ku difaacaynaa, waxaana hubaa inaga oo kaashanayna shacabkeenna meelkasta ay joogaan, haddii joogaan Waqooyi haddii ay joogaan Koonfur iyo inta dhaxeysa waxaan awoodnaa horena usoo awoodnay, haddana awoodnaa inaan difaacno dalkeenna” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo hadlayay.

“Waxaan rabnaa in la midoobo, waxkasta oo Soomaalida dhexdeeda ah in laga tago, siyaasad kasta oo dhexdeena ah iyo waxkasta oo noodhexeeya inaan meel iska dhigno inaan difaacno dalkeenna, inaan difaacno qaranimadeenna iyo gobonimadeenna, taas ayaa lagama maarmaan ah, dadka ku mashquulsan waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda ah oo aan micnaha la heyn, maanta waxaa la joogaa xilligii la midoobi lahaa, waa markii halka meel la istaagi lahaa” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Go’aanka kasoo baxay golaka wasiirrada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalinimadii shalay magaalada Addis Ababa ay heshiis dhanka badda ah ay dowladda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, arrintaan ayaa hoos u dhigi karta wadahadalkii dhinacyada ugu bilowday dalka Jabuti waxaana sidoo kale Baarlamaanka labadiisa gole ay leeyihiin kulan uu hadlayo madaxweynaha dalka.

__________________________________________________________________________

Xafiiska Warrka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post