843 Views

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo korortay

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo korortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2020 –Hay’adda maareynta musiibooyinka dalka Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Arbaco ah in tirade dadka ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay magaalada Izmir ee Turkiga ay gaartay 114 ruux.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in dadka ku dhaawacmay dhulgariirkii Jimcadii dhacay ay gaarayaan 1,035 qof (kun soddon shan) kuwaas oo 898 ka mid ah ka baxeen isbitaallada halka 137 qof oo kale ay wali ku jiraan isbitaallada kala duwan ee dalkaas.

Hay’adda ayaa sheegtay in wali la wado dadaallada lagu baadi goobayo dad kale, iyadoo lasoo gabagabeeyay howlihii samatabixinta ee ka socday 15-dhismo oo ka mid ah dhismooyinkii waxyeeladu kazoo gaartay dhulgariirka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post