828 Views

Ruushka oo dhoolatus milatari oo niyukliyeer ah ka sameeyay waqooyi bari Moscow

Ruushka oo  dhoolatus milatari oo niyukliyeer ah ka sameeyay waqooyi bari Moscow
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Ruushka ayaa dhoolatus milatari oo niyukliyeer ah ka sameeyay waqooyi bari Moscow maanta oo Arbaco ah, ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay qorshe uu gantaal casri ah ugu dirayo Ukraine.

Ilaa iyo 100 askeri ayaa ka qeybqaadanaysa dhoolatuskan iyagoo adeegsanaya 100 gaari oo gaar ah oo xambaarsan hub niyukliyeer ah.

Waxaa warkani so tabisay wakaaladda wararka ee Ruushka oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha difaaca Ruushka.

Dhoolatuskan ayaa ka dhacay meel 160 mayl u jirta Moscow, caasimadda Ruushka.

Dhoolatuska ayaa looga gol lahaa in dagaal loo diyaariyo hubka niyukliyeerka Ruushka.

Waaa markii labaad oo Ruushku sameynaya dhoolatus noocan ah tan iyo markii uu billaabay duulanaka Ukriane

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post