681 Views

RW Rooble oo Amar siiyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

RW Rooble oo Amar siiyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiye cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee BFS iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xiriirta habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isaga oo u cadeeyay in ay si huufan u qabanayaan doorashooyinka..
Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli xubno u  badan musharrixiinta Madaxweynaha ay walaac ka muujinayeen sida ay ku socdaan doorashooyinka, iyaga oo ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post