912 Views

Madaxweynaha waqtiggu ka idlaaday Maxamed cabdullahi Farmaajo oo markale qaabilay Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo xubno la socday

Madaxweynaha waqtiggu ka idlaaday Maxamed cabdullahi Farmaajo oo markale qaabilay Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo xubno la socday
____________________________________________________________________________

Sabti: January 29, 2022

Madaxweynaha waqtiggu uu ka idlaaday Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa markale qaabilay Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo xubno la socday, kuwaasoo cabasho ka ahaa ciidamadii lageeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa KNN u Xaqiijiyay in Ganaraalku uu madaxweynaha u sheegay in dhabar jebin lagu sameeyay wadahadaladdii ay Muqdisho u yimaadeen.

Xoggaha aan helnay ayaa sidoo kale tibaaxaya in Madaxqeyne Farmaajo iyo Janaraal Xuud ay ku heshiiyeen afar qodob oo Kale kuwaas oo kala ah,

1- in dowladdu ay bixiso Magdhowgga dadkii rabshadaha Beladweyne ku dhintay, iyo kuwii ku dhaawacmay.

2- in laga bixiyo Deeyn lacageed oo lagu leeyahay Jabhadda Kacdoonka ee uu Hogaamiyo Janaraal Abuukar Xaaji Warsame.

3- In la dalacsiiyo ciidamaddii iyo saraakiishii kacdoonka, lana qarameeyo, difoo kalana In taliyaasha qeybta 27-aad ee Milteriga iyo Guutada 5-aad ee qeybta 27-aad xilalka laga qaado laguna badalo saraakiil ka soo jeeda beesha cabashada qabto.

4- in Janaraal iyo kooxdiisa ay shaqeeyaan in si deg deg ah Beladweyne ku tago Cali Guudlaawe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post