1116 Views

Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye

Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

Wararka ka imaanaya afgooye ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar culus  oo ku bilowday isqarxin kusoo qaaday saldhigga ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye.

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa dhawaqa rasaasta laga maqlayey gudaha magaalada Afgooye, wuxuuna dagaalka socday ku dhawaad 2 saac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday isla markaasna ay gaarsiiyeen khasaaro xoog leh.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inay la wareegtay deegaanka Sabiib oo illaa 8Km u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, isla markaasna ay dagaalka ku qabsatay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post